U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Jirta Deegaanno Ka Tirsan gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Waxaa isa soo taraya cabashada biyo la’aanta ah ee ka jirta deegaanno ka mid ah gobalka Gedo, iyadoo lasoo sheegayo in deegaanno dhowr ah aanu wax biyo ah ka jirin.

Deegaanka Garilley ee gobalka Gedo ayaa la sheegay in hadda dadka ku dhaqan aanay haysan biyo ay cabaan, islamarkaana Biyo qaali ah looga keeno deegaanno kale oo gobalkaasi ka mid ah.

Gudoomiye ku xigeenka deegaankaasi Hilowle Maxamed ayaa u sheegay Idaacadda Goobjoog, in hadda qiimaha biyaha loogu keeno dadka deegaanka ay tahay Halkii Fuusto lacag dhan 100-kun oo shilin Soomaali ah.

“Biyo maleh deegaanka, Fuustadii waa Boqol Kun, deegaanno fog fog baa laga keenaa, hadii aan dadkaan biyo lala soo gaarin waxaa laga yaabaa in Garilley Biyo La’aan loogu dhamaado” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.

Ugu dambeyn Hilowle ayaa sheegay in deegaanka ay ka jirto xaalad caafimaad darro ah, islamarkaana aanu jirin isbitaal dadka lagu daweeyo, isaga oo tilmaamay in dalka Kenya ay u qaadeen 18 qof oo xanuuno kala duwan hayay.

Goobjoog News