U bood dhigaalka

Biyo La’aan Ka Taagan Deegaanka Xaafuun Ee Puntland

Sheeko:Dalka

Xaalad Biyo la’aaneed oo sameyn ku yeelatay Nolosha dadka iyo duunyada ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Xaafuun,Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland.

Maxamed Ciise Maxamuud Oo kamid Ah Ururka dhalinyaradda ee dagmada xaafuun ayaa u sheegay Goobjoog News, in Deegaankaasi ka jirto Biyo la’aan Baahsan oo saameysay Nolasha dadka iyo duunyadda, waxaana uu Sheegay in Fuustada Biyaha ah ay Deegaankaasi ka Marayso 70-kun Oo Shilin Soomaali Ah, Isagoo xusay in aysan Jirin Cid Dadkaasi u gurmatay.

Sidoo kale Wuxuu Sheegay in Nolsha Kale ee deegaankaasi ay tahay mid hooseysa, Ceelbiyoodkii kaliya ee deegaankaasi ka jirayna uu Shaqadii gabay.

Ciise ayaa sidoo kale mar u ka hadlayay xaaladda Waxbarasho ee Xaafuun waxa uu tilmaamay in aysan halkaasi ka jirin Iskuullo ay dadku wax ku bartaan, kana gaabisay maamulka Puntland.

Dagmadda Xaafuun Oo Kamid Ah Gobolka Karkaar ee Maamulka Puntland ayaa Waxaa horay uga Dhici Jirtay Biyo la’aanta Noocaani ah iyadoo aysan jirin Dowlad iyo hay’addo Wax u qabta dadka  deegaankaasi.

Goobjoog News