U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanka Ceelhuur Ee gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Biyo La’aan baahsan ayaa xilligaan waxa ay soo wajahday dadka iyo duunyada ku dhaqan deegaanka Ceelhuur ee gobalka Mudug, iyadoo qiimaha la kala siisto biyaha ay sare u kacday.

Gudoomiyaha deegaankaasi Maxamed Maxamuud ayaa u sheegay Goobjoog News, in qiimo ahaan halkii Fuusto ee biyaha ah la iibinayo lacag dhan 120-kun oo shilin Soomaali ah.

Waxa uu gudoomiyaha hadalkiisa ku daray in biyaha laga keeno deegaanno ka baxsan Ceelhuur, xitaa mararka qaar laga yaabo in adiga oo lacag haysta inaad biyaha weyso.

“120-kun ayeey gaartay Fuustadii biyaha, dadka qaarna ma awoodaan in qarashkaasi ay bixiyaan, deegaanno kale ayaa laga keenaa biyaha, xaaladana waa mid aad u adag” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhinaca kale deegaanka Ceelhuur, biyo la’aan oo kaliya kama taagna, waxaa sidoo kale halkaasi aanan kajirin xarumo caafimaad oo dadka xanuunsan lagu daryeelo.

Ugu dambeyn Gudoomiye Maxamed Maxamuud ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ah, in gurmad degdeg ah lala soo gaaro dadka ku dhaqan deegaanka Ceelhuur ee gobalka Mudug.

Goobjoog News