Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanka Gadoon Ee Gobalka Gal-gaduud (Dhageyso)

Biyo la’aan ayaa xilligaan laga soo sheegayaa deegaanka Gadoon ee gobalka Gal-gaduud, iyadoo dadka halkaasi ku dhaqan ay cabasho arintaasi la xiriirta muujinayaan.

Deegaankaasi waxaa ku yaala Hal Ceel oo dadka biyo ay ka cabi jireen hase ahaatee ay cillad soo wajahday, taasina ay keentay in dadka ay biyo la’aan noqdaan.

Nabadoon Mire oo ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaankaasi yaa u sheegay Goobjoog Fm, in xilligaan sidoo kale ay faaruq yihiin Barkado biyaha ay dadka ku keydsan jireen xilliga jiilaalka, hadana aysan ogeyn meel ay biyo u raadsadaan.

“Gadoon wax la yiraahdo biyo waa laga waayay, dadka qatar xoogan ayeey ku jiraan, waxaan ku baaqaynaa in Hay’adaha Samafalka ah iyo shacabka Soomaaliyeed ay gurmad deg deg nala soo gaaraan” ayuu yiri Nabadoon Mire

Dhinaca kale Nabadoonka ayaa sheegay in cuduro ay ka jiraan deegaankaasi iyadoo dadkii Duumo ay hayso, xoolihiina cuduro badan laga sheegayo.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW