U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanno Hoostaga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Deegaanno hoostaga magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa laga soo sheegayaa in xilligaan ay ka jirto biyo la’aan baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada halkaasi ku nool.

Deegaanka Ceel Faarax Geedi oo qiyaastii 10-Km u jira magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay in hadda dadkaasi aysan haysan biyo iyo sidoo kale adeegyo muhiim u ah nolosha.

Wariyaheena Cali Cayn oo gaaray deegaankaasi ayaa la kulmay qaar ka mid ah waxgaradka iyo Haweenka ku dhaqan halkaasi, waxaana ay u sheegeen in waxa ugu muhiimsan ee ay doonayaan tahay biyaha.

“Waxaan u baahannahay biyo, hadda ma haysanno meel aan biyo u raadsanno, welina ma arag hay’ad ama maamul cid ka socota oo biyo nala soo gaarta ama xaaladeena ka war qabta” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradka ku dhaqan deegaanka Ceel Faarax Geedi.

Waa markii ugu horeysay oo deegaankaasi laga soo sheegayo biyo la’aan baahsan, waxaana ay ku baaqeen dadka halkaasi ku nool in gurmad biyo degdeg ah lala soo gaaro.

Goobjoog News