U bood dhigaalka

Biyo la’aan laga soo sheegayo degmada Baraawe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xilligaan degmadaasi ay biyo la’aan baahsa ay xilligaan ka jirto.

Shaacir Cabdi oo ah guddoomiyaha Baraawe wuxuu Goobjoog FM u sheegay in xaaladda biyaha ee deegaankaasi aysan wanaagsanayn, waxaana uu tilmaamay in halkaasi ay ku yaalaan ceelal biyood aan dadka ku filneen.

Al-shabaab ayuu ku eedeeyay in ay bur buriyeen ceelal ay dadku biyaha ka cabi jireen kuwaasoo xiligan aan shaqeynin.

Mar aynu wax ka weydiinay meesha dadka ay xilligaan biyaha ka heleen ayuu sheegay in ay shaqeeyaan ilaa sedax Ceel, oo uu tilmaamay in ay dad gaar ah leeyihiin, islamarkaana dadka aanu ku filneen.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News