U bood dhigaalka

Biyo la'aan saameyn xun ku reebtay dadka iyo duunyada ku nool Belad Xaawo

Sheeko:Dalka

Wax garadka degmada Belad Xaawo ayaa sheegay in ay ka sii dartay xaalada dhanka biyaha ee degmadaasi.

Suldaan Khaliif Xaaji Xasan oo ku sugan Belad Xaawo ayaa tilmaamay in deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmadaasi ay ka jiraan xaalado biyo la’aaneed oo aad u daran.

Wuxuu ka dhawaajiyay in ay jiraan xoolo u le’day oon iyo haraad oo tiradooda aan qiyaasi karin.

Waxaa kale uu tilmaamay in aysan weli helin wax gar-gaar ah iyada oo mar kale uu sheegay in uu ugu baaqayo hay’adaha sama falka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya in ay kaalin ka qaataan biyo dhaamin loo sameeyo dadkaasi.

Gobolka Gedo ayaa ka mid ah gobolada koofureed oo ay biyo yaridu saameyn xun ku reebtay dadka iyo duunyada ku nool halkaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga Maxamed Cabdullaahi uu la yeeshay Suldaan Khaliif Xaaji Xasan: