Biyo la'aan saamaysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanka Leego

Maamulka deegaanka Leego ee gobolka SHabeelaha Hoose ayaa sheegay in ay masiibo bani’aadanimo dhici doonto hadii aan si dhaqse ah gurmad loogu fidin dadka ku haraadsan halkaasi.

Guddoomiyaha deegaankaasi Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa sheegay in ay jiraan qoysas aad u badan oo xaalad adag oo xaga biyaha ay ku haysato deegaankaasi.

Warihii oo guray iyo roobabkii oo aan ka di’in deegaanka ayuu sheegay guddoomiyaha Leego in ay keentay biyo la’aanta haatan ka jirta deegaanka.

Abuukar Cabdullaahi Isaaq ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha samo falka in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan deegaanka Leego oo ay biyo la’aantu raad xun ku yeelatay dadka iyo duunyada ku dhaqan halkaasi.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW