U bood dhigaalka

Biyo La’aan Soo Wajahday Soomaalida Qaxootiga Ku Ah Xerada Al-kharas Ee Dalka Yemen

Sheeko:Dalka

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Al-kharas ee wadanka Yemen ayaa waxaa soo wajahday biyo la’aan baahsan kadib markii laga jartay biyihii ay cabi jireen.

Waxaa la soo sheegayaa in sidoo kale ay ka maqan yihiin adeegyo kale sida Korontada waxaana weli Yemen meelo kamid ah ka dhacaya dagaallo.

Mid kamid ah Soomaalida ku dhaqan Sanca oo lagu magacaabo Maxamed Jaylaani ayaa u sheegay Goobjoog News in gabar Soomaali ah ay xerada ugu dhimatay kuleel dartiis taasoo la waayay biyo lagu meyro meydkeeda.

Waxa uu sheegay in dadka Soomaaliyeed xaalad xun ay ku heysato Yemen kuwaasoo u badan Haween iyo Carruur.

Iyadoo hadda lagu guda jiro bisha Ramadaan ayaa dadkani waxa aysan heli karin wax ay ku afuraan, waxaana la soo sheegayaa inay jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dhintay kuna dhaawacmay duqeymaha ka jira wadanka Yemen.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa wada dadaal xoogan oo ay gurmanayaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhibban wadanka Yemen.

Goobjoog News