U bood dhigaalka

Biyo La’aan Laga Soo Sheegayo Deegaanno Hoostaga Degmada Cadaado Ee Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan deegaanno hoostaga degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa ka cabanaya biyo la’aan saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Deegaanka Docoley oo ku dhaw degmada Cadaado ayaa ah meesha ugu daran ee Biyo la’aanta ka jirto, waxaana la tilmaamayaa in xoolo badan ay biyo la’aan u geeriyoodeen.

Maxamed Maxamuud Faarax oo ka mid ah dadkaasi ayaa sheegay in markii hore ay deegaankaasi kaalmeen jireen Hay’adaha samafalka ah, hase ahaatee muddoyinkii ugu dambeeyay aanay wax gurmad ah helin.

“Anaga Biyo La’aan baa nahaysa, deegaanka waxaa nooga dhintay in ka badan 5-kun oo Ari ah, malahan hadii uu roob da’o meel biyuhu ay noo degaan, sidoo kale ma jiraan cid gurmad nasiisa” ayuu yiri Maxamed Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu sheegay Maxamed Maxamuud Faarax in deegaanka Docoley aanay ka jirin adeegyo caafimaad iyo sidoo kale mid waxbarasho, sababtuna waxa uu ku sheegay dagaallo horay halkaasi uga dhacay.

Ugu dambeyn ayuu ugu baaqay maamulka Galmudug State in degdeg ay gurmad xooggan lasoo gaaran shacabka ku dhaqan deegaankaasi si ay u helaan Biyo iyo adeegyada kale ee bulshada.

Goobjoog News