U bood dhigaalka

Biyo yaraan xoogan oo soo wajahday tuulooyin hoos yimaada Ceel-waaq

Sheeko:Dalka

Qoysaska ku nool tuulooyin hoos yimaada degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa ka cabanaya sare u kac ku yimaaday qiimaha lagu iibsado biyaha ee deegaanadaasi.

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in tuulooyin dhowr ah oo hoos yimaada gobolka Gedo ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo dhinaca nolosha ah kuwaasi oo ay ugu daran tahay biyo la’aanta ka jirta deegaanadaasi.

Nabadoon Cawil Xuseen oo ka mid ah odayaasha deegaanka Bur-Calaan oo hoos yimaada degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo ayaa sheegay in biyo la’aanta deegaankaasi ka jirta ay saameyn ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada deegaankaasi.

Waxa uu xusay in deegaanka Bur-calaan ay ku soo kordheen dadkii ka soo barakacay tuulooyinka hoos yimaada degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo oo abaartu ay horay u saameysay.

Nabadoonka ayaa tilmaamay in sare u kac laga dareemayo qiimaha la iibiyo fuustada biyaha ah deegaankaasi oo uu xusay in ay tahay lacag dhan 120,000 ( Boqol iyo labaatan Kun) oo shilin Soomaali ah ama ilaa 600 Shilin oo lacagta Kenya ah taasina ay keentay abaar ka jirta deegaankaasi.

Hoos ka dhageyso codka Nabadoon Cawil Xuseen: