U bood dhigaalka

Biyo Yari Laga Soo Sheegayo Degmada Matabaan Ee Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad adag oo biyo yari ay ka jirto degmadaasi iyo deegaannada ku dhow, kadib markii uu ciladoobay mid kamid ah ceelal biyoodkii dadku biyaha ka cabi jireen.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee maamulka Ahlu-sunna, Gaas Muuse Cumar oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in degmadaasi ay lahayd oo kaliya Labo Ceel biyood, mid kamid ahna uu ka halaabay matoorkii, sidaasina ay keentay xaaladda biyo yari ee degmada ka jirta.

Matoorka damay ayuu sheegay in dib u kicintiisa qiimo ahaan ku kacayso lacag dhan 10 kun oo doolar, islamarkaana maamul ahaan aysan awoodin in hadda lacagtaasi ay bixiyaan.

Waxa uu tilmaamay in durba degmada Matabaan iyo deegaannada ku dhow aad looga dareemay biyo la’aantan, iyadoo Ceelkii soo harayna aanu dadka kaafin karin.

“Labo ceel ayaa shaqeyn jirtay mid baa jabay 15 maalin kahor, waxaa durba timid biyo yari aad u daran, kaliya degmada Matabaan ma ahane ee deegaannada ku dhow degmada ayeey tani saameysay” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiye Gaas ayaa dhanka kale ka hadlay dhibaatada ay abaarta ee ka jirta deegaannada ku dhow degmada Matabaan, islamarkaana dad kasoo barakacay abaartaasi ay soo gaareen degmada Matabaan, waxaana uu sheegay in dadkaan ay haysato xaalad adag oo dhanka Nolosha ah.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Matabaan ee Ahlu-sunna, Gaas Muuse Cumar ayaa ugu baaqay hay’adaha samofalka ah in gurmad ay la gaaraan dadka kasoo barakacay abaarta ee ku sugan degmadaasi, sidoo kalena ay gacan ka geystaan sidii dib loogu soo kicin lahaa Matoorka Ceelbiyoodka ee 15 cisho kahor damay.

Goobjoog News