U bood dhigaalka

Biyo yari soo wajahday Qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab ee Kenya (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaaya xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxay sheegayaan in halkaasi xilligaan ay ka jirto biyo yari dadka saameyn ku yeelatay.

Qaar ka mid ah Soomaalida halkaasi qaxootiga ku ah halkaasi ayaa Goobjoog Fm u sheegay in hadda dhibaato ay soo wajahday, islamarkaana biyo yarida saameyn xoogan ay ku yeelatay.

Qaxootigan waxa ay sheegeen in la dhimay booyadihii biyaha u keeni jiray Qoysaskaasi 24-kii sano ee la soo dhaafay, sababta biyo yaridana keentay ay taasi tahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in biyaha la yareeyay ay keeneen in Soomaalida ay gacanta iskula tagaan xilliga la keeno Biyaha, qaarkoodna waxyeelo soo gaarto.

Halkaan hoose ka dhageyso warbixinta warkaan oo wariyaheena C/samad Cali Xaliye dhadhaab kasoo diray.

Goobjoog News