U bood dhigaalka

Bloomberg: Somaliland Oo Tartan Kula Galeysa Djibouti Dhoofinta Gaaska Dabiiciga Ah Ee Itoobiya

Sheeko:Dalka

Somaliland ayaa sheegtay inay tartan kula galeyso dalka Djibouti sidii dekadda Berbera looga dhoofin lahaa gaas-ka dabiiciga ah ee laga soo saarayo dhulka Soomaalida Itoobiya,

Dalabka Somaliland waxaa uu imaanayaa kadib markii la sheegay in Itoobiya ka faa’ideysaneyso dhoofinta gaaska dabiiciga ah oo lagu qiyaasay lix-siddeed billion cubic feet, tayadoodana aad u sareyso.

Wararka waxaa ay intaasi ku darayaan in daaweynta qarashka ku baxaya xagga gudaha oo xooggan darteed, heshiis lala galay shirkad Shiinees ah, shirkadda Poly-GCL waxaa ay tubooyinka gaaska geyn-doontaa ilaa Djibouti.

 “Maxaa diidaya in gaaska dabiiciga ah ee laga soo saaro dhulka Ogaadeniya la marsiiyo dekadda Berbera” waxaa sidaasi yiri Jaamac Maxamud oo ah wasiirka tamarta ee Somaliland.

Inkasta uu Jaamac sheegayo in go’aanka ay leedahay Itoobiya hadana waxaa uu intaasi raaciyey inay xiriir la sameyn-doonaan shirkadda Poly-GCL oo ah shirkadda tubooyinka gaas ah geyn-doonta dalka Djibouti.

Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu sheegay inay Gaaska dabiiciga ah u dhoofin-doonaan dalka Djibouti 2021-da.

Guddoomiyaha dekadda Djibuti Abuubakar Cumar Haadi ayaa dhankiisa sheegay in aanu la socon dalabka Somaliland isaga oo intaasi raaciyey in dalkiisu uu mar hore heshiis la galay shirkadda Poly-GCL, isla markaana uu soo dhoweynayo wixii tartan ah.

Goobjoog News