U bood dhigaalka

Bloomberg: Trump oo Doonaya in Ciidamadiisa Kala Baxo Soomaaliya iyo Farmaajo oo Jecel Iney Joogaan

Sheeko:Amniga

Sida ay qortay Bloomberg, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ka dalbaday la taliyeyaashiisa sare iney qoraan qosrhe uu ciidamada Mareykanka uga soo saarayo dalka Soomaaliya.

Qorshahan oo la sheegayo iney qeyb ka tahay ololohiisa ah inuu ciidamada dib u soo celiyo ayaa waxaa kala shaqeynayaan la taliyaha xagga amniga qaranka Robert O’Brien, wasiirka difaaca Mark Esper iyo Mark Milley.

Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa gaaraya ilaa 650 ilaa 800, ciidamadan ayey U.S. Africa Command sheegaan iney kuwa Soomaalida ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab.

Dhankiisa, waxaa la sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareysi ku sheegay inuu jecel yahay iney ciidamada Mareykanka sii joogaan isaga oo intaa raaciyey in uu rumeysan yahay in Mareykanka ay dalkiisa ka caawinayaan la dagaalanka Al-shabaab.

Goobjoog News