U bood dhigaalka

Boko Haram Oo Laga Soo Furtey 46 Qof Oo Ay Horay U Afduubteen

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Gaashaadhigga Nigeria ayaa sheegtay in laga soo daayey Boko Haram ugu yaraan 46 qof, oo ay ku jiraan 19 haween ah iyo 27 caruur. Dadkan ayaa laga afduubtay  gobolka Borno ee bariga dalkaasi.

Wasaaradda Gaashaadhigga Nigeria war murtiyeed ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in sii-deynta dadkani ay timid ka dib markii ciidamada amniga Nigeria ay howlgal ka sameeyeen gobolka bariga dalkaasi oo ay ka baadi goobayeen nin ka mid ah Boko haram.

War-murtiyeedka ayaa waxaa lagu cadeeyay in ciidamada ay burburiyeen meelo lagu dhuunto oo Boko Haram leedahay sidoo kalana waxa ay gacanta ku dhigeen 8 shixnadood oo ay ku jiraan hub.

Waqooyi bari ee Nigeria waxaa ka socda iska horumaad u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda Boko Haram, inkastoo dowladda ay sheegtay in ay ka guuleysatay kooxaha hubeysan.

Loolanka gudaha ah ee ka taagan Nigeria ayaa waxa uu keenay dhimashada in ka badan 20 kun oo qof,iyada oo ay sii dheertahay barakicinta malyaan qof, dagaal waxaa uu socday tan iyo 2009-kii.

Goobjoog News