U bood dhigaalka

Booliis hor leh oo la geyn doono gobalka Shabeelaha Dhexe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliyaha qeybta Booliiska ee maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe Korneel Khaliif Cabdulle Carfaaye ayaa sheegay in ay u socdaan ciidamo Booliis ah oo halkaasi dhawaan gaari doona, aqoon isweydaarsi lagu baranaayo hab dhaqanka maamulka dhanka ciidanka, waxaana uu sheegay markii tababarkaan uu soo dhamaado kadib in ciidamo isaga uu hogaaminaayo ay gaari doonaan gobalka Shabeelaha Dhexe.

Khaliif ayaa sheegay in ciidamada Booliiska la geyn doono dhamaan deegaanada iyo degmooyinka gobalka Shabeelaha dhexe ee aanay ku sugneyn Al-shabaab.

Mar uu u waramaayay Idaacadda Goobjoog ayaa waxa uu Korneelka soo hadal qaaday in ciidamadaan gaari doona gobalka Shabeelaha Dhexe si wanaagsan loo soo bari doono la dhaqanka Bulshada ay u adeegi doonaan.

Ciidamadaan waxa ay hadda tababarkaan ku qaadanayaan magaalada Muqdisho, waxaana la filayaa in maalmaha soo aadan ay gaaraan magaalada Jowhar, iyaga oo loo kala qeybin doono degmooyinka gobalkaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News