Booliiska AMISOM Oo Looga Digey Iney Dhibaateeyaan Shacabka

Taliyaha ciidamada Booliiska AMISOM ayaa ku amray ciidanka uu taliyaha u yahay in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed, isaga oo uga digey in dhibaato ay u geystaan shacabka.

Rex Dundun, ayaa sheegay in ciidamada Booliiska AMISOM laga doonayo in ay ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya, ayna ka fogaadaan wax walbo oo dhibaya shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu tilmaamay in aan loo dulqaadan doonin dhibaato loo geysto shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna askarta u sheegay in waxa ay u shaqeynayaan oo ay amnigooda sugayaan yihiin dadkaasi shacabka ah.

“Shaqadeenna waa ka shqeynta ammaanka dadka Soomaaliyeed, waxaan uga digayaa ciidamada iney ku xadgudbaan shacabka, waana iney ka shaqeeyaan amnigooda” ayuu yiri Mr. Dundun

Mararka qaar waxaa dhaca dhibaatooyin ay ciidamada AMISOM u geystaan dadka shacabka ah.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW