U bood dhigaalka

Booliiska AMISOM Oo Sheegay Inay Sugayaan Amniga Dalka Xilliga Doorashooyinka

Sheeko:Dalka

AMISOM ayaa sheegtay in ciidankooda Booliiska ah ay ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kala shaqeyn doonaaan sugista amniga dalka xilliyada doorashooyinka.

Christine Alalo, ku xigeenka Booliska AMISOM ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ay si adag u sugayaan amniga meelaha ay ka dhacayaan doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan.

Waxa uu sheegay taliye ku xigeenka inay kaashan doonaan ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo si wadajir ah u shaqeynayaan.

Alalo wuxuu tilmaamay inay ku dadaali doonaan in doorashada Soomaaliya ay u dhacdo si nabad ah.

Taaliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka AMISOM u tababaran yihiin kahortagga falalka amni darri iyo kahortagga haddii qalalaasyo dhacaan.

Goobjoog News