U bood dhigaalka

Booliiska Baladweyne Oo Dad u Xiray Dil Habeen Kahor Ka Dhacay Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska magaalada Baladweyne ayaa ka warbixiyey falal amni darro oo habeenadan dambe ka dhacayey magaaladaasi iyo sidoo kale dad ay usoo qabteen dilal iyo qaraxyo ka dhacay Baladweyne.

Taliyaha Booliiska degmadaasi Cali Dhuux Cabdi Mahad Alle oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen dad kala duwan oo ku lug leh amni xumidaasi.

Labo ruux oo lagu tuhmayo inay ka dambeeyeen Bambooyin habeen kahor ka dhacay Baladweyne ayuu sheegay inay gacanta ku hayaan islamarkaana ay baarayaan.

Waxa uu sheegay Taliyaha sidoo kale inay gacanta ku hayaan askar ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaa oo ilaalo u ahaa xabsiga Baladweyne laguna tuhmayo in ay ka dambeeyeen dil loo geystay macalin iskuul, kaas oo habeen hore ka dhacay magaalada Baladweyne.

“Waxaan soo qaabannay 4 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaa oo ilaalinayey xabsiga Baladweyne, waxaana lagu tuhunsan yahay inay iyaguna ka dambeeyeen dilkii Habeen hore loo geystay macallinka, si sharci ah baan ku baareynaa illaa qofka xabadda riday aan ka xaqiijinno” ayuu yiri taliyaha.

Taliye Cali Dhuux ayaa sheegay in amniga magaalada Baladweyne ka degi la yahay askartii dowladda oo darees kala duwan xiran misane hub ku dhex maraya magaaladaasi, iyadoo uu sheegay inaan la kala saari karin qofka amni xumida wada iyo kan nabadda ka shaqeynaya.

Waxaa faraha kasii baxaya ammaanka guud ee magaalada Baladweyne iyadoo magaalada ay kusoo bateen dilalka iyo Bambooyinka gacanta laga tuuro.

Goobjoog News