U bood dhigaalka

Booliiska Cadaado Oo Sheegay Iney Adkeeyeen Amniga

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee degmada Cadaado ayaa sheegay iney aad u adkeeyeen amniga guud ee degmadaasi, maadaama maanta halkaasi lagu caleema saarayo madaxweynaha Galmudug Axmed Duacaale Geelle Xaaf.

Xuseen Cumar Muumin, Taliyaha Booliiska Cadaado oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in ciidanka ay ka feejigan yihiin iney dhacaan falal amniga ka dhan ah, iyadoo magaaladaasi ay ku qulqulayaan mas’uuliyiin badan.

Wuxuu tilmaamay taliyaha in amniga hadda uu yahay mid aad u wanaagsan, islamarkaana ciidanka aanay jirin wax amni darro ah oo ay arkeen ama ay la kulmeen.

“Ammaanka Cadaado aad iyo aad buu u wanaagsan yahay, magaalada waxaa heegan ku jira ciidankii Booliiska iyo Nabad sugidda, waxay la dagaallamayaan cid walbo oo amni darro wadda, weyna ka feejigan yihiin in amni darro timaado” ayuu yiri Taliyaha.

Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxaa maanta ku qulqulaya mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka, maamulka goboleedyada iyo beesha caalamka, si ay uga qeybgalaan caleema saarka madaxweynaha Galmudug.

Goobjoog News