U bood dhigaalka

Booliiska Canada oo Xirey Nin Soomaali Ah oo Loo Heysto Afduubka Suxufiyiin

Sheeko:Dalka

Booliiska boqortooyada dalka Canada ayaa xabsiga u taxaabay nin Soomaali ah o magaciisa lagu sheegey Cali Cumar Adeer kaasi oo lagu eedeeyey in uu lug ku lahaa afduubkii Soomaaliya loogu geystey 2 saxafi oo madax banaan sanadkii 2008-dii.

Sida uu sheegey kaaliyaha taliyaha booliska Canada James Malizia , ninkani ayaa waxa uu doorkiisa ahaa in uu qoyska laheystayaasha kula gorgortamayay lacagta madax furashada la siinayay dadkii heystey oo ahaa koox ka tirsan jabhaddii Xisbul Islaam.

Cali ayaa Canada joogey labo maalmood oo kaliya, lamana oga in halkaasi la geeyey iyo in uu tahay, iyo waliba sida dowladda Soomaaliya ay oga warheyso.

Saxafiyiinta madaxa banaan ee afduubka lagu heystey ayaa kala ahaa Amanda Lindhout oo ah gabar u dhalatay dalka Canad iyo Nigel Brennan oo u dhashay dalka Australia, kuwaasi oo 15 bilood kadib madax furasho lagu siidaayay.

Ninkani Soomaaliga ayaa si kooban oga soo hormuuqdey maxkamad, waxaana wali socda baarista kiiskiisa.

Goobjoog News