U bood dhigaalka

Booliiska Dalka Angola oo xirxirey boqol Soomaali ah

Sheeko:Dalka

Booliiska magaalada caasimadda dalka Angola ee Luanda ayaa xirxirey boqol qof oo Soomaali ah kuwaasi oo la sheegey in ay sharci daro ku joogeen dalkaasi.

Sida uu wariyeyaasha u sheegey Maxamed Deeq Dhiblaawe oo madax ka ah jaaliyadda Soomaalida dalkaasi, dadkani la xirxirey ayaa loo geystey jirdil iyo garaacis ay booliiska kula kaceen.

“Xitaa cuntada ayaa loo diidey markii xabsiga la geeyey” ayuu yiri Maxamed oo intaasi ku daray in waxa dhacay ay yihiin wax ka taloowsan xuquuqda aadanaha.

Wuxuu intaasi ku daray in xariga uu qeyb ka yahay qorshe qarsoodi ah oo ay wataan ganacsato ajaaniib ah oo doonaya in ay Soomaalida suuqa ka saaraan, iyaga oo laaluush siiyey booliiska si ay u qabqabtaan Soomaalida.

Dhacdadani ayaa imanaysa xili dhawaan Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid uu magacaabay ergeyga u qaabilsan xuquuqda caruurta iyo arrimaha muhaajiriinta, xilkaasi oo loo magacaabay Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.

Goobjoog News