U bood dhigaalka

Booliiska Degmada Waaberi Oo Raadinaya Rag Hubeysan Oo Habeenkii Dadka Dhaca

Sheeko:Dalka

Taliska Booliiska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xaafadaha degmadaasi ay ka jiraan Mootooyin hub saaran yihiin oo dadka shacabka ah xilliga habeenkii ah lagu dhibaateeyo loogana qaato taleefanada gacanta ah.

Taliyaha degmadaasi Xuseen Maxamed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in habeen iyo maalin ay ciidanka howlgallo sameeyaan, islamarkaana ay raadinayaan dadkaasi.

Waxa uu sheegay in ciidamada hadda ay aad u raadinayaan dadka Mootooyinka wata islamarkaana iyaga oo hubeysan dadka isbaareysta.

Taliye Xuseen waxa uu tilmaamay inay qabteen rag gacanta kula jira dhaca dadka shacabka ah.

Shacabka degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho waxay aad uga cabanayeen maalmahan dambe rag wata Mootooyin islamarkaana dhac u geystay dadka shacabka ah.

Goobjoog News