U bood dhigaalka

Booliiska Galmudug oo Gacanta Ku Dhigay Nin Dil Wadareed Ka Geystay Garasbaaley

Sheeko:Amniga

Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay nin saaka waabarigii  ciidamada booliiska gobolka Mudug ay qabteen, xili ay baaritaan ka wadeen gobolka, waxaana ay sheeggtay nin inuu dil ka soo geeystay deegaanka Garasabaaley ee duleedka Muqdisho.

Aweys Cismaan Cabdi ayaa dhowaan waxaa uu dil wadareed u geystay dad isku qoys ahaa kuwaas oo deganaa duleedka Muqdisho, waxaana dil wadareedkaas ku geeriyooday 5 ruux oo isku qoys ah, halka ay tiro kale ay ku dhaawacmeen, Aweys ayaa reerka uu dhibka u geystay la ahaa xidid wadaag oo waxaa uu ka qabay gabar.

                                    Halkaan Ka Akhrisho qoraalka wasaaradda

Ciidanka Boliiska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa maantay gacanta ku dhigay eedaysane Aways Cusmaan Cabdi oo dilka 5 qofood oo isku qoys ah iyo dhaawaca kuwa kale ka geystay duleedka magaalada Muqdisho deegaanka Garasbaaley.

Ciidamada ammaanka Galmudug ayaa ku hawllan sugidda amniga, ka hortagga danbiyada iyo sidoo kale ka dabatagga danbiilayaasha danbiyada ku geysta Galmudug iyo meelaha kale ee dalka gudihiisa ah.

Eedaysane Aways oo ciidamada amnigu ay gacanta ku soo dhigeen ayaa la horgeyn doonaa sharciga, ayadoo ay eheladii dadkii uu xasuuqay u mahadceliyeen ciidamada amaanka Galmudug ee maantay qabtay eedaysanahaas.

Wasaaradda amniga Galmudug waxay bogaadinaysaa dadaalada kala duwan ee ciidamada amniga Galmudug ay wadaan iyo guulayso ay ku tallaabsanayaan.

Goobjoog News