U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Baay Oo Shaaciyey Qorshe Al-shabaab Ka Damacsan Yihiin K/galbeed

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaadey in Xarakada Al-shabaab ay qorsheeyeen in weeraro ka dhan ah deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo ay dhowaan qaadaan.

Taliyaha ciidamada Booliiska ee gobolka Baay Korneel Mahad C/raxmaan Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay shir ku yeesheen deegaanka Buulo-fulaay ee gobolka Baay ay go’aan ku gaareen in weeraro kala duwan ay ku qaadaan deegaannada maamulkaasi ka arrimiyo.

“Al-shabaab waxay ku shireen deegaanka Buulo-fulaay, waxayna isku raaceen in la badiyo gumaadka shacabka, waxay diyaariyeen qaraxyo sidoo kale waxay doonayaan weeraro kala duwan sida dilal qorsheysan in ay ka geystaan deegaannada K/galbeed, ilo aan ku kalsoonnahay ayaa inoo xaqiijiyey arrintaasi” ayuu yiri Taliyaha.

Dhinaca kale taliye Mahad ayaa sheegay in ciidamada amniga ay bilaabeen howlgallo amniga lagu sugayo si looga hortago qorshooyinka ay damacsan yihiin Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.

Habeen kahor waxaa Bam gacmeed aan khasaare geysan lagu weeraray xarun ay ciidamada Booliiska ku lahaayeen magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Goobjoog News