U bood dhigaalka

Booliiska Gobolka Banaadir Oo Soo Bandhigay Gaari Iyo Computero Loo Aadeegsan Rabay Falal Ka Dhan Ah Amniga (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu magaalada Muqdisho kusoo bandhigay gaari nooca raaxada ah, 7 Computer Laptop ah, Taleefanno gacanta ah iyo sidoo kale Liis ay ku qoran yihiin magacyo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Sida lagu daabacay wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA agabkaan la qabtay ayaa la sheegay in la doonayey in lagu fuliyo weeraro qaraxyo ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la xiray nin la sheegay inuu walxahan waday.

Liiska ay ku qoran yihiin magacyada ayaa waxaa ku calaameysan astaamaha Al-shabaab, waxaana ku qoran magacyo rag la sheegay inay ka mid yihiin ciidanka Al-shabaab.

Taliyaha ciidanka Booliiska ee gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre Gaab oo warbaahinta kula hadlay taallada Daljirka daahsoon oo agabkan lagu soo bandhigay ayaa sheegay in Al-shabaab ay mar walbo doonayaan inay dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Waxa uu shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amniga wax u dhimaya.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxay magaalada Muqdisho ugu qabteen gaadiid ay sheegeen in qaraxyo lagu fulin rabay.

Hoos ka daawo sawirada

005 004 003 002 001

FG:- Xuquuqda Sawirada waxaa leh wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Goobjoog News