U bood dhigaalka

Booliiska Ingiriiska Oo Aqoonsaday Qofkii Fuliyay Weerarkii Manchester

Sheeko:Dalka

Booliska Ingiriiska ayaa sheegay in qofkii fuliyay weerarkii magaalada Manchester  inuu ahaa wiil lagu magacaabo Salmaan Cabiidi oo ahaa 22 sano jir ka soo jeeda asal ahaan dalka Liibiya.

Booliska ayaa sidoo kale xireen nin kale oo da’diisu tahay 23 sano jir kaasi oo lala xariirinayo inuu lug kulaa wareerarkii ka dhacay habeen hore magaalada Manchester.

Mas’uuliyadda weerarkaan ayaa waxaa sheegtay kooxda Daacish iyagoo baraha bulshada ku faafiyay warar sheegaya inuu weerarka fuliyay qof iyaga ka tirsan.

Weerarkaan ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 22 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 59 qof.

Waxaa lagu tiriyaa weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Manchester ee dalka UK kii ugu darnaa ee argagixiso tan iyo bishii Julay  ee sanadkii 2005  oo ay ka dhaceen Uk qaraxyo ay ku dhinteen 52 qof waxaana fuliyay qaraxyadaas 4 qof oo isa soo miidaamiyay.

UK ayaa waxay ku jirtat in muddo ah xaalad deganaansho iyadoo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay jirtay cabsi ah inay weeraro ka dhacaan dalkaasi waxaana dhacay habeenkii isniinta qaraxaan.

Goobjoog News