U bood dhigaalka

Booliiska Jowhar oo Xabsiga u Taxaabay Xaaska iyo Carruurta Askari Qof Shacab ah Diley, Kadibna Baxsaday

Sheeko:Dalka

Sida uu kusoo waramayo wariyaheena Jowhar, waxaa xabsiga loo taxaabay xaaska iyo carruurta askari maalintii khamiistii qof shacab ah ku diley magaaladaasi, kadibna baxsaday.

Dilka ayaa waxaa ka dhashay banaanbaxyto rabshada wata oo shalay ruxey magaalada Jowhar, iyada oo ciidamada dowladda ay dad badan oo kuwa mudaaharaadka dhigayay ah xirxireen.

Ninka la diley oo aanan wali magaciisa helin ayaa la sheegey in uu kala dhexgalay ninka askariga ah oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo nin oday ah oo neef ari ah watay oo uu askariga doonayay in uu lacag ka qaato meel u dhow suuqa caanaha ee Horseed, kadibna uu askarigii rasaas ku furey ninkii dhexdhexaadinta galay.

Illaa 37 qof oo rag ah iyo 60 dumar ah ayaa loo xirxirey dhacdadan, waxaa kale oo xabsiga laga siidaayay illaa 8 caruur aan qaangaarin oo mudaaharaadka ka qeybqaadatay.

Ciidamada ayaa isticmaalay rasaas noolnool oo kor loo ridayay si ay dadka ku kala ceeyriyaan, iyada oo shalay uu xirmey qeybo ka mid ah suuqa Jowhar maadaamaa ay dadka dhagxaan tuurayeen.

Goobjoog News