U bood dhigaalka

Booliiska Kenya oo Beeniyey in Ay Ka Dambeeyeen Dilka Sheekh Soomaali ah

Sheeko:Dalka

booliiska kenyaAfhayeenka booliiska Kenya Zipporah Mboroki ayaa wargeyska Sabahi Online u sheegey in aysan wax lug ah ku lahayn dilka wadaad Soomaali ah oo laga afduubtey magaalada Garisa, kadibna meydkiisa laga heley degmada Embu ee bartamaha Kenya.

“Kama warheyno meel booliiska ay ku xireen sheekha” ayay tiri “Waxaan kaliya helney war ku saabsan qof la waayay, kadibna dhimashadiisa, baaritaan ayaanan ku heynaa” ayay tiri.

Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Faafi Ilyaas Barre Shiil ayaa sheegey in Sheekh Maxamed Kheyr oo Dawaaraa ku magaca dheer laga afduubtey meel u dhow xafiiska boostada ee Gaarisa, wuxuuna sheegey in ay kaxaysteen dad isku sheegey in ay booliiska Kenya yihiin, waxaana arrintaasi xaqiijiyey dadkii la socdey Sheekh Dawaaraa xiligaasi.

Wadaadkani meydkiisa la heley ayaa ka tirsan qoyska siyaasiga Aadan Barre Ducaale oo ah hogaamiyaha xisbiga aqlabiyadda baarlamaanka ee Jubilee, kaasi oo dhawaan codsaday in booliska ay jawaab cad ka bixiyaan waxa dhacay.

Goobjoog News