U bood dhigaalka

Booliiska Kenya Oo Nairobi Ku Dilay Muwaadiniin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Kenya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa ay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ku dileen Labo wiil oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafadaasi.

Booliiska waxay sheegeen in dhallinyaradan ay ka mid ahaayeen kooxo burcad ah oo islii ka jira kuwaa oo dhac iyo dilalba u geysta dadka ku sugan xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in marka la dilayey ay ku howlanaayeen sameynta falal amniga ka dhan ah, islamarkaana waxyeello u geysteen dad masjidka kasoo baxayey.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dhallinyaradan ay ka mid ahaayeen koox dhallinyaro ah oo la baxday Super Power kuwaa oo waxyeello u geysta dadka shacabka ah.

Ma jirto cid caddeyn karta dhallinyaradan Soomaaliyeed ee ay toogteen Booliiska Kenya inay ahaayeen Burcad iyo in kale.

Goobjoog News