U bood dhigaalka

Booliiska Malta Oo Xiray Muwaadin Soomaaliyeed Oo Looga Shakiyay Inuu Ka Mid Yahay Shabakad Dadka Tahriibisa

Sheeko:Dalka

Boliiska Malta ayaa xiray Nin Soomaaliyeed oo looga shakisan yahay inuu si sharci darro ah ku geliyey dalka Malta in ka badan 200 qof oo soo galooti ah kuwaas oo doonayey iney gaaraan Malta.

Marka laga reebo qabashada ninkaan waxaa jira nin kale kaas oo boliisku ay weli raadinayaan islamarkaana ka mid ah shabakadda dadka u soo tahriibaya qaaradda Yurub.

Ninkaan oo da’diisa lagu sheegay 31-sano ayaa ka yimid meel lagu magacaabo Birkirkara isagoo soo gaaray Malta kadib safar kaga soo kicitimay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, kadibna Booliiska ayaa gacanta ku dhigay una tixaabay xabsi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka caawinayey dadka soo-galootiga ah iney kasii baxaan dalka Talyaaniga iyagoo maraya nidaam sharci-darro ah.

Boliiska ayaa sheegay iney heleen xog ku aadan shabakaddan wax tahriibisa waxaana boliisku intaa ku daray iney ragga wax tahriibaya ay kasoo qaadaan dadka dalka Talyaaniga islamarkaana soo gaarsiiya iyagoo wata dukumintiyo been-abuur ah si ay u helaan magangelyo oo loo qaabilo.

Dadka magangelyo doonka ah ayaa badankood ka yimaada wadamada Syria iyo Somalia iyagoo isticmaalaya dukumintiyo aan sharci ahayn si ay u helaan muwaadinimada wadamada Yurub iyagoo markaasi dhexmaraya wadamada Yurub ee uu ka dhaxeeyo heshiiska tilmaamaya iney isku furan yihiin si aysan u marin wax baaritaan ah.

Goobjoog News