U bood dhigaalka

Booliiska Maraykanka Oo Toogtay Soomaali Madaxa Looga Jirey

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay iney toogteen muwaadin Soomaaliyeed, kaasi oo la xaqiijiyey in dhimirka uu la’aa.

Muwaadinka la diley ayaa lagu magacaabayey Xuseen Xasan, waxaana la sheegay in Booliiska markii ay dilayeen uu diiday ammaro ay fareen.

Falkaan ayaa ahaa mid aad looga naxay, maadaamada aysan ciidanka Booliiska hubsan ninkaan caafimaad qabkiisa.

Soomaalida ku nool dalkaasi, gaar ahaan Washington ayaa wada dedaal ay booliiska kaga dalbanayaan caddeymaha sababta ay ninkaan ku dileen, maadaama uu xanuunsanayey.

Xuseen ayaa ifka kaga tagay 8 Carruur ah, waxaana sidoo kale la sheegay in xaskiisa iyana madaxa looga jiro, balse iyada ay haysato shahaadada cadeeneysa xanuunkeeda.

Goobjoog News