U bood dhigaalka

Booliiska Puntland Oo Wada Shaqeyn Ka Dalbadey Shacabka

Sheeko:Dalka

Taliska guud ee ciidanka Booliiska Puntland ayaa wada shaqeyn ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaananda maamulkaasi ka arrimiyo, kadib markii ay soo noqnoqdeen falalka amni darrada la xiriira.

Taliyaha Booliiska Puntland C/qaadir Faarax Shire oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in ay wada shaqeeyaan ciidamada Booliiska iyo sidoo kale dadka shacabka ah.

Waxa uu tilmaamay in Booliiska uu xafidi doono siraha ay usoo sheegaan shacabka, islamarkaana haddii ay dhacdo in sir ay baxdo ay tallaab ka qaadi doonaan askariga falkaasi ku dhaqaaqay.

“Ciidanka Booliiska waxa uu ku shaqeeyaa warbixinta ay shacabka keenaan, noo sheega meelaha ay wax ka jiraan, maalmahan waxaa dhacayey falal argagaxiso, waxaa jooga meelahaasi dad shacab ah waxay awood u yeelan waayeen iney sheegaan cidda waxaasi sameysay iyaga oo waliba weji garanaya, qofka dambiga galay haddii aadan wax kale sameyn karin wejigiisa aqoonso, haddii aad arki  jirtay in sirta aad usoo sheegto booliiska ay fakato wey dhammaatey, mana dhici doonto, cidda aan taas ku helna oo Booliiska ahna tallaab ayaa laga qaadayaa mana naga mid ahaan doono” ayuu yiri Taliyaha.

Deegaannada uu ka arrimiyo maamulka Puntland waxaa maalmihii ugu dambeeyey kusoo badaneyey falal amni darro, waxaana magaaladaasi ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin Puntland ka tirsan.

Goobjoog News