U bood dhigaalka

Booliiska Shabeelaha Hoose oo bilaabay howlgal Habeen iyo Maalin ah (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada Booliska gobalka Shabeelaha Hoose Ismaaciil Axmed Cismaan ayaa sheegay in ciidamada ay ku howlan yihiin xaqiijinta ammaanka deegaanada gacanta ugu jira dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay jiraan falal amni darro oo iminka ka dhaca gobalka balse ah kuwa aan sidaasi u sii buurneyn, ciidankana habeen iyo maalin ay wadaan howlgal amni sugid ah.

Taliye Ismaaciil Axmed ayaa dhanka tilmaamay in ciidamada ay ku soo qab-qabteen holwgalkooda kuwaa oo baaritaano lagu haayo.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabay eedeymo sheegaya in ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen magaalada Marko ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Halkaan hoose ka dhageyso

Goobjoog News