U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Gacanta Ku Dhigay Dilaagii Atooraha Badda

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey dil habeenkii  xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo loo geystay Isbatoore ka tirsanaa ciidanka booliiska oo lagu magacaabi jiray Atooraha Badda, waxaana Booliiska uu sheegay inuu ku baxay gacanta wiil saaxiibo ay ahaayeen oo lagu magaciisa lagu koobay Leefleefow.

Taliska Booliska ayaa sheegay in dilka marxuumka uu yimid kadib markii labada shakhsi uu soo kala dhexgalay murann ku aadan lacago dad muxsiniin ah ay soo direen oo lagu caawinayay dad dan yar ah, waxuuna dhaliyey gacan ka hadal keenay iney hub isku  qaataan , waxaana uu booliisku meesha ka saaray inuu Alshaab dilay geystay.

Afhayeenka ciidanka Soomaaliyeed Cabdifatax Aadan Xasan ayaa sheegay in ciidanka Booliisku uu soo wacay Leefleefow una sheehay in Al-shabab ay dileen saaxiibkiis, waxaana uu intaas ku daray in sheygii  uu dilka ugu gaystay saaxiibkiis oo ahaa Bastoolad uu saaray saqafka sare ee guriga, sidaasna uu ku marihabaabiyey ciidanka.

Cabdifitaax oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku hayaan Leefleefow, isaguna uu qirtay inuu dilay saaxiibkiisa , kadib baaritaan dheer oo ciidanku ay sameeyeen, waxaana uu hadalkiisa raaciyay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeyn doono cadaaladda, lacagta lagu murmay ayuu tiradeeda  ay tahay $60,000.

Goobjoog News