U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya oo Ka Hadlay Doon Lagu Afduubtay Xeebaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Taliska ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa maanta waxaa uu ka hadlay Dooni bishaan bolowgeedii lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, xili ay mareysay meel u dhaxaysan Xaafuun iyo Eyl ee deegannada dowlad goboleedka Puntland, waxaana Booliisku uu sheegay in dhacdadaan aysan aheyn mid la xiriirta afduub kooxo burcad-badeed ay sameeyeen.

Afhayeenka ciidan Booliiska oo la hadlay warbaahinta aya sheegay in doonida la afduubtay ay siday waxyaabo kontobaan ah, waxaana uu xusay inuu waday Naaquude u dhashay dalka Yamen iyo sedex qof oo Soomaali ah, kadib muran soo kala dhexgalay ayaa sababay in ay Soomaalidii afduubtaan Doonida sida uu sheegay Afhayeen  Cabdifitaax Aadan  Xasan.

“Dhacdo dhacday 8-dii March, kana dhacday marin-biyoodka Soomaaliyeed inta u dhaxaysa Xaafuun iyo Eyl, dhacdadaas oo ku saabsanayd Doon siday Kontoroban oo uu wadan Nuuquude Yameni ah iyo sedex qof oo Soomaali ah oo waday Doontaas maandooriha Kontorobaanka ah. khilaaf ay iskhilaafeen awgeed u afduubta Doonidii waxaana lala soo aaday Badweynta”.

Doonidaan ayaa waxaa la afduubtay 8-dii bisha March 2022-ka, xili ay kasoo shiraacatay Yamen waxaana lagu afduubtay inta u dhaxaysa Xaafuun iyo Eyl, waxaana lala soo aaday dhanka Koonfureed ee xeebaha Soomaaliya, ciidanka ayaa xusay in ay doontaan ku dabajiraan ciidamada ilaalada xeebaha, waxaana booliisku uu sheegay sidoo kale in ay sidday maandooriye.

Goobjoog News