U bood dhigaalka

Booliiska Soomaaliya Oo Muudey Ku Eedeyay In Uu Hub iyo Ciidan Muqdisho Kala Dhoofi Rabay

Sheeko:Amniga

Taliska ciidamada booliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay ishor-istaag ciidama ka tirsan dowladda ay ku sameeyeen guddomiye ku-xigeenka koowaad Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muuddeey.

Afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa sheegay in taliska ciidamada booliiska ay hor-istaageen ciidamo uu watay guddoomiye Muuddeey.

Cabdifitaax Aadan ayaa sheegay in uu sugan yahay amniga goobta ay doorashada ka dhaceyso iyo guud ahaan amniga magaalada Baraawe.

” Waxaa garoonka aaden cadde ka dhacday dhacdo ay quseeysay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane xildhibaan Muuddeey oo rabay in uu aado deegaanka Baraaweoo ay ka socoto wejiga labaad ee doorashada, Ciidanka oo siinaayo muhiimad deegaanka qadiimiga ah ee Baraawe waxaa la geeyay ciidankii ugu tayada badnaa, saraakiishii ugu aqoonta badneyd ee sugeysay amniga deegaanka Baraawe, ma jirto sabab qof shaqsi ah muwaadin Soomaaliyeed ha ahaado mid wax dooranaayo ama mid la dooranaayo ay uga cabsadaan” ayuu yiri Afhayeenka ciidamada booliiska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan Xasan.

Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in guddoomiyaha kaliya loo ogol yahay sida musharixiinta kale ilaaladiisa gaarka ah.

“Airport-ka Aadan Cadde waxaa ka dhacday in ciidan tira badan oo sita hub culus oo rabay in ay raacaan diyaarad ay ku baraarugeen ciidanka booliiska Soomaaliyeed ciidankiina la hakiyay  markii dambana la ogaaday in uu wato guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane xildhibaan Muuddeey laguna wargeliyay in loo ogol yahay sida sharciga ah ilaaladiisa gaarka ah oo gaareysa shan illa afar sababtoo ah Baraawe waa deegaan xasiloon ayna gacanta ku heyso dowladda federaalka ah” ayuu tiri Cabdifitaax Aadan Xasan.