U bood dhigaalka

Booliiska: Waa lasoo Xiray Askartii Jir-dishay Weriyeyaasha

Sheeko:Amniga

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey falkii maanta askar dowladda ka tirsan gaar agan Haramcad ay kula kaceen saxafiyiin ku gudajiray howlakooda shaqo xili ay kusiijeedeen degmada Kaxda oo xalay ay weerarro ka dhaceen, waxaana talisku uu sheegay in ay aad uga xunuyihiin falkaas, loo gaystay saxafiyiinta, aysana raali ka aheyn Booliiska Soomaliyeed.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa raali gelin ka bixiyey falkii dhacay waxaana uu sheegay in markii falkaas uu dhacay taliye Xijaar uu amray in lasoo xiro taliyihii iyo askartii falkaas ka lugta lahaa, waxaana sawirradii saakay ka dhex muuqanayey taliye ku-xigeenka Haramcad ninka lagu magacaabo C/wali Fanax.

“Taliyaha Booliiska Soomalaiyeed oo aad uga xumaaday arrinkaas ayaa waxaa uu amaray in lasoo xiro, waana xiran yihiin taas aniga ayaa idiin cadeynaayo. Taliyaha iyo qeybta booliiska gobolka waxaa ay aad uga xun yihiin wixii maanta kaxda ka  dhacay, saaxaafadduna waa saaxiibka koowaad ee Booliiska Soomaaliyeed, waxaan idiin leeyahay wixii meeshaas maanta ka dhacay ma’ahan wax uu raali ka wada yahay Booliisku, gaar ahaan madaxda sare oo taliyaha ugu horeeyo” ayuu yiriC/fitaax.

Wariyeyaasha dhacdada la kulmay maanta ayaa waxaa ay u baxeen in ay soo tabiyaan, weerarro isku dhowaa oo xalay ka kala dhacay deegaanka Daarusalaam iyo Degmada Kaxda, kuwaas oo ku dhowaad 10 ruux ay ku nafwaayeen oo ciidan iyo dad shacab ah isugu jira, waxaana  sawirradii maant la baahiyey ay muujinayeen iyadoo lugaha iyo gacmaha laga xiray.

Goobjoog News