U bood dhigaalka

Booliska Boosaso oo Soo Qabtay Rag Ku Eedeysan Kufsi iyo Dil oo Loo Geystay Gabar Yar

Sheeko:Amniga

Ciidamada ammaanka magaalada Boosaaso ayaa gacanta ku soo dhigay labo nin oo lagu eedeeyey in ay ka dambeeyeen fal kufsi iyo dil isugu jira oo loo geystay gabar yar oo dhowaan meydkeeda laga helay magaalada.

Ragga lasoo qabtay ayaa qirtay inay dileen gabar lagu magacaabi jiray Naciimo Cabdi Maxamed oo meydkeed laga helay xaafadda Raf iyo Raaxo ee Boosaaso, waxaana meydkeeda uu labo maalin yaallay Isbitaalka guud ee Boosaso.

Labada eedeysane mid ka mid ah oo lagu macaabo Maxamed Cabdi Fareey oo ka hor hadlayey Booliska ayaa sheegay in gabadha ay kusoo kaxeeyeen gaari ay wateen isaga iyo wiil la socday kadibna ay kula dhaqaaqeen falka kufsiga ah.

Eedeysanaha oo sii hadlaayo waxaa uu sheegay in markii dambe uu go’aansaday inuu gabadha dilo sidaasna uu nafta ku dhaafiyey isaga oo ku ceejiyey cimaamad kadibna waxaa uu madaxa ka marsiiyey gaarigii ay ku soo qaadeen.

Taliyaha ciidamada Boolika bolika Bari G/sare Xuseen Cali MAaxamuud oo dhankiisa hadalay waxaa uu sheegay in howlgallo ay ciidamadu sameeyeen lagu soo qabtay raggaan tacadiga u geystay marxuum Naciimo Cabdi Maxamed.

Taliyaha ayaa ugu dambeyn waxaa uu xusay in raggaan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeynayo maxkamadda si loo waafajiyo cadaaladda, waxaana uu aad ugu mahadceliyey ciidamada ammaanka oo gacan ku lahaa soo qabasha.

Goobjoog News