U bood dhigaalka

Booliska Columbus Oo Soo Qabtay Nin Loo Heeysto Dilka Imaam Maxamed  Xasan 

Sheeko:Amniga

Warar dheerad ah ayaa ka soo baxaya  dil loo geestay allaha u naxriiste Imaam Maxamed  Xasan  oo 25-kii December sanadkii hore meedkiisa laga helay  magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka.

Booliiska  Columbus oo mudooyiinkii la soo dhaafay waday baritaano ku aaddan kiiska dilka Maxamed  Xasan,  ayaa gacanta ku soo dhigay mid kamida eedeeysanayaasha dilka imaamka.

Shugri Imam Maxamed Xassan  oo ah gabar  uu dhalay imaamka ayaa warbahiinta u sheegtay in booliska ay u xaqiijiyeen qooyska  in la soo qabtay qof lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilka aabbahood.

“Baritaanada sii fiican ayey u socdaan  duco badan  iyo baritaano  badan ay booliska sameyen  qebtii  ugu horeysay  wa lagu gulestay waan helaya qofkii ka dambeeyay aabbo dilkiisa”,  ayey tiri Shugri Imam Maxamed Xassan.

dhinaca kale shugri ayaa sheegtay in xiriir uu ka dhaxeyay ninka loo soo qabtay  dilka abbeheed iyo Imaam Maxamed  Xasan.

“Sida booliska ay nooshegeen xiriir ayaa ka dhaxeeyay  aabbo iyo isaga  inkastoo aanan ogeen xiriirkaas inta uu la ekaa iyo intaa uu soo socday  kama warheeno  intaas,  laakiin waxay booliska no cadeeyeen inu uu ka dhaxeeyo xirir ganacsi” ayey tiri markale shugri.

Qoyska imaamka ayaa sido kale sheegay  in aanan wali maxkamad wali la soo tagin eedeesanaha loo soo qabtay dilka Imaam Maxamed  Xasan.

“Wali maxkamadda looma soo taagin dilka aabbe laakiin  booliiska way codsadeen, laakiin danbi kale oo  horay uu u galay ayaa socota dacwaddiisa  sidaas  darteed wali kiiskena ma usan bilaabmanin” ayey tiri Shugri Imam Maxamed Xassan.

Goobjoog News