U bood dhigaalka

Booliska Gobolka Hiiraan Oo Ka Hadlay Khasaaraha Qaraxii Baladweyne

Sheeko:Dalka

Taliyaha booliska gobolka Hiiraan ee dowladda Soomaaliya Col. Isxaaq Cali Cabdulle ayaa Goobjoog News faahfaahin ka siiyay weerar loo adeegsaday gaari oo ka dhacay xarun ay ciidanka AMISOM ku leeyihiin galbeedka magaalada Baladweyne.

Wuxuu sheegay in qaraxa lagu fuliyay gaari nuuca Soomaalida u taqaan Waaraadka oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa.

Qaraxaani oo si weyn magaalada Baladweyne u gilgilay ayaa waxaa xigey rasaas xooggan oo ay fureen ciidamada Jabuuti ee halkaas lagu weeraray.

Taliyaha Booliska gobolka Hiiraan Col. Isxaaq Cali ayaa sheegay in hal askari oo ciidanka Jabuuti ah uu qaraxaasi ku dhintay islamarkaana uu jiro khasaare gaaray dadka shacabka oo u badan hanta.

Wuxuu  sheegay inay ku dhaawacmeen shan qof oo shacab ah oo iyana qaraxaasi ku waxyeeloobay. Waxaana warar la helayo ay sheegayaan in khasaaraha ciidanka Jabuuti gaaray uu intaas ka badan yahay.

Dhanka kale wuxuu beeniyay in weerarka qaraxa kadib Alshabaab ay gudaha xerada AMISOM ee Jabuuti ay ka dhex dagaallameen.

Shacabka ayuu ugu baaqay inay ciidamada la shaqeeyaan oo ay ku soo wargaliyaan wax walba oo ay u arkaan in ammaanka liddi uu ku yahay si loo ilaalo nabadgalyada Baladweyne.

Xaaladda magaalada Baladweyne ayaa yara deggan galabta waxaana caadi ku soo laabtay adeegyadii bulshada oo xirmay markii qaraxa uu dhacay.

Goobjoog News