U bood dhigaalka

Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Sheeko:War

018Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan xarakada Al-shabaab sida ay saraakiisha nabad sugidda Kenya u sheegeen warbaahinta BBC-da.

Booliska ayaa sheegay in ruuxa la qabtay ay ku tuhunsanyihiin inuu yahay wariye hore oo lagu magacaabo Xasan Xanafi, kaasoo lagu eedeeyay dilka wariyaal badan oo ku sugnaa Soomaaliya.

Warbixinta ay daabacday BBC-da ayaa sidoo kale lagu sheegay in ruuxa la qabtay uu beeniyay inuu yahay Xasan Xanafi sida ay ilo wareedyo sheegeen.

Saraakiil ka tirsan Hay’adaha ammanka Dowlada Federaalka oo soo xiganaysa BBC-da qaybta dunida la hadasha oo warkan daabacday Maanta oo arbaca ah, ayaa sheegay in xasan Xanafi maalmo ka hor lagu   qabtay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Joogitaankiisa Dalka Kenya ayay Saraakiishu waxa ay ku sheegeen arimo la xiriira dhinaca Caafimaadka isla markaana lagala baxay Guri ka degnaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Iskaashi dhaxmaray Hay’adaha ammaanka Dowladaha deriska ayay Saraakiishu sheegayaan in ay ku taaba gashay gacan ku soo dhigida Sarkaalkan.

Al-Shabaab ayaa 23-kii Semptember sanadkii tagay waxa ay weerar ay ku geeriyoodeen in ka badan 67-qof ay ka fuliyeen SuuqaWasta Gate ee Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya

Xarakada AL-shabaab ayaa weeraro badan ka geystay gudaha dalka Kenya iyo Soomaaliya.