U bood dhigaalka

Booliska Somaliland oo Ka Hadlay Sababta ay u Xireen Qoraa Siciid Maxamuud

Sheeko:Dalka

Afhayeenka  ciidamada Booliska Somaliland  Faysal Xiis Axmed ayaa ka hadlay xarig uu muddo 10 maalmood ah dambi baarista ugu jiro qoraa Siciid Maxamud Gahayr oo ah qoraa ka faalooda arrimaha siyaasada, waxaanu  afhayeenku ku eedeeyey in qoraagu uu caado ka dhigtay hadalo  deel qaaf ah iyo kicin dadweyne.

Faysal Xiis oo arrinta xariga qoraaga  kala hadlaayey warbaahinta waxa uu yiri ”Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu  qoraallo ku faafiyey baraha bulshada  waxaanu  adeegsaday  qaab kicin karta dadweynaha isaga oo uu waliba ku celceliyey , waxaanu marar badan dadweynaha u soo jeediyey inay ka hor yimadaan  amarrada ay xukuumaddu bixiso gaar ahaan dhul dad dhawaan laga raray oo ku  yaalla agagaarka  Airportka Hargeysa,  iyada taa  laga duulayo ayaa waxaa sharci noqotay in la soo xiro ka dibna dambigiisa la baaro maxakamadana loo gudbiyo”.

Afhayeenka oo hor keenay saxaafadda qoraalada uu sheegay in lagu eedeeyey  Siciid waxa uu xusay in soo qabashadiisa oo ay amarkeeda lahayd xeer ilaalinta maxakamada gobolka Hargeysa iyo talisku  ay u adeegsan doonaan dacwadooda qoraaladan uu ku faafiyey  baraha bulshada .

Ururada u dooda  xuquuqda insaanka  iyo xisbiyada mucaaridka ah  ayaa xukuumadda ku eedeyey xarigga qoraa Siciid waxayna  gaar ahaan  eedaha huwiyeen wasiirka madaxtooyada  Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay iyagu dhinacooda sheegeen  inuu qoraagu amarkiisa ku xiran yahay.

Goobjoog News