U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo Sheegay inay Qabteen Rag Hubeysnaa Qeybna Ka Ahaa Dibadbaxyadii Shalay

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku sheegeen inay gacanta ku dhigeen rag hubeysnaa islamarkaana qeyb ka ahaa dadkii shalay magaalada Muqdisho ka dhigayay dibadbaxyada.

Taliska booliska ayaa waxa ay intaas ku dareen in ragga ay qabteen oo shan ka koobnaa ay laba ka mid ah hubeysnaayeen islamarkaana ay soo qabashada raggaan kala kaashadeen ciidanka nabad sugidda caasimadda.

“Ciidamada booliska oo kaashanaya  sirdoonka caasimadda ayaa maanta gacanta ku dhigay shan nin oo laba ka mid ah ay hubeysnaayeen kuwaas oo ku dhex dhuumanayay shacabkii ku mudaharaadayay dhinaca daljirka daahsoon ee magaalada Muqdisho damacooduna ahaa maleegidda dhagar” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Shalay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibadbaxyo waa weyn oo ay dhigayeen dad careysan ka dib markii habeen hore degmada Boondheere lagu dilay labo qof oo midi ahayd haweeneey dilkaas oo uu geystay askari ka tirsan booliska Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka

Image may contain: text

Goobjoog News