U bood dhigaalka

Booqashada Raychelle Omamo iyo Isku Dhaca Farmaajo iyo Rooble oo Lugaha la galay Qaadka

Sheeko:Amniga

Maanta waxaa la filayaa iney saaka oo axad ah ay Soomaaliya soo gaarto  Ambassador Raychelle Awuor Omamo oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya iyada oo horay u waddo casuumaad ay ka waddo Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ah inuu ra’isul wasaare Maxamed Rooble booqdo dalka Kenya.

Rooble ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu tago dalka Kenya isaga oo qorshuhu ahaa inuu la galo Nairobi heshiisyo ay ka mid yihiin qaadista xayiraadda qaadka iyo heshiisyo kale oo ganacsi.

Si arrimahaasi looga hortago,  ayaa sabtidii waxaa Digreeto soo saaray madaxweynaha waqtigiisu dhacay Maxamed Cabdullahi Farmaajo isaga oo  joojiyey in wax heshiis ah ay xukuumadda Rooble gasho muddada kala guurka.

Waxaa xeer madaxweyne ku qornaa in lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya sida Xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, Hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

Waxaa reebban, ilaa doorashada keddib, in Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda ay magaca Dowladda Federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna.

Waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.

Haddaba, arrintan hakinta shaqada fulinta, oo Farmaajo laga sugayey inuu sameeyo kahor 8-ddii February 2021-kii, oo aheyd markii uu ekaa muddo xileedkiisa ayaa la sheegayaa in aaney daacad ka aheyn, oo ay ku jiraan ilaalinta dano ganacsi.

Ilo xog-ogaal ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Farmaajo diidan yahay in lasoo fasaxo qaadka Miiraaga isaga oo ilaalinaya heshiisyo qaadka Hareeriga lagu soo iibsansyo oo lala galay  dalka ay saaxiibka yihiin ee Itoobiya. Ilaha aan xogtan ka helnay waxay qabaan in wareegtada Farmaajo ay kusoo Biyo shubaneyso loolan ganacsi oo Miraa iyo Hareerri ah.

Farmaajo oo olole doorasho ku jira ayaa digreetadiisa waxaa uu ka dhigay mid uu ku ilaalinayo danaha qaran ee dalka, waxaana laga dheehan karaa in shacabka mar kale kusoo jeedinayo indhaha muranka badda.

Isku dhaca Farmaajo iyo Rooble oo qarsoonaa ayaa hadda kor usoo baxay, waxaana lagu wadaa in uu saameyn ku yeesho doorashada 2021-ka iyo hankii ninka hore ka lahaa in dib loo doorto.

Goobjoog News