U bood dhigaalka

Boogtii Berbera Waa La Dhayay!

Markii dhawaan maamulka Somaliland uu dekada Berbera ka celiyey markab ay saarnaayeen qaxooti Soomaali ah oo kasoo qaxay dalka Yemen waxaa ka dhashay carro weyn iyo eedeymo culus oo loo jeediyey Somaliland.

Dadka waxaa qaadan waa ku noqotey in dad Soomaaliyeed oo maato ah, kana soo qaxay dhul shisheeye inta dhulkoodii Soomaaliyeed yimaadaan, hadana loo diido in ay dhulka soo dagaan .

Waxaa dadka hanfariir iyo argagax ku noqotey muuqaalo laga soo duubey dadka markabka lagu celiyey, gaar ahan haweeneey ku dhaaratay in haddii loo diido in ay dhulka u degto ay badda isku daadin doonaan iyada iyo carruurteedaba.

Kuwa waddaniyadda ay ku weyntahay waxaa galay walwalkii ugu weynaa ebed, waxayna qarka u fuuleen in ay xaqiiqeystaan in Soomaaliya ay kala tagtay, una dhamaatay rajadii laga lahaa midnimo iyo wax wada qabsi.

Boqolaal kun oo fariimood, sawirro iyo qeylo dhaan ah ayaa lasoo dhigey saxaafadda qeybaheeda kala duwan iyo waliba baraha bulshada, dabcan dhamaantood ma wada ahayn kuwa asluubeysan, laakiin waxay ka wada mideysnaayeen muraara dilaaca iyo cabashada ku wajahan Somaliland.

Dabcan dadka reer Somaliland kama wada mideysneyn, dadkii aadka u tirada badnaa ee kasoo horjeedey talaabada uu maamulka qaaday ayaa iyaguna muujinayay sida ay oga xunyihiin waxa dhacay, islamarkaasina aysan ogol oga ahayn.

Dowladda Somaliland ayaa lafteeda go’aanka ku salaysay culeys ay sheegtey in uu ka heystey dhanka awoodda ay u leedahay in ay qaabisho dad intaasi la’eg, xili aysan jirin cid kale oo garab ku siisey in la qaabilo qaxootiga.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland waa ay ka laabatay go’aankii hore, waxayna albaabada u furtey kumanaanka Soomaalida ah ee kasoo qaxaya dalka Yemen.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa booqdey dadka dalka kusoo laabtay, waxaana la arkayay isaga oo xambaarsan ilmo yar oo dadkaasi ka mid ka ah.

Muuqaaladani waa kuwa durba bogsiiyey boogihii damqay, waxayna markani dadka garoowsan karaan in ma gafe uu yahay alle, qofkii inta gafa kasoo laabtana uu yahay qof wanaagsan.

Goobjoog News