U bood dhigaalka

Boorama: nin sida dumarka u labisnaa oo la qabtay

Sheeko:War

Ciidammada ammaanka ee magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaa shalay xiray nin u dhashay dalka Itoobiya oo xirnaa dharka dumarka, gaar ahaan indha-shareer iyo xijaab, xilli uu kusugnaa suuqa qudaarta ee magaalada.

Taliyaha  qeybta  booliska ee gobolka Awdal  Cabdi Barqad Kheyre ayaa sheegay in qaar ka tirsan dadweynaha ay kusoo wargaliyeen ciidamada, kadib markii ay ka shakiyeen ninka.

Wuxuu tilmaamay inaysan wali ogaan sababta rasmiga ah ee ninkaasi ku kalliftay inuu xirto dharka haweenka, balse ay wadaan baaritaan.

Cabdi Barqad ayaa ka codsaday dadka deegaanka inay la shaqeeyaan ciidanka, ayna kusoo wargeliyaan marka ay arkaan waxyaabo dhibaatada u keeni kara amniga.

Ninka la xiray ayaa sheegay in mid kamid haweenka ka ganacsada qudaarta ay ku wargalisay in loo baahan yahay qof dumar ah oo ka shaqeysa suuqa qudaarta, taasna ay ku kalliftay inuu xirto dharka dumarka si uu u helo shaqadaasi.

Ciidammada ammaanka ee magaalada Hargeysa ayaa bil kahor xiray nin la sheegay inuu ku labisnaa dharka dumarka.

Xigasho: Bar-kulan