U bood dhigaalka

Boorame: Askari Ka Tirsan Ciidamada Somaliland Oo Dil U Geystay Wiil Dhaalinyaro Ah

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boorame ee gobalka Awdal ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidamada Somaliland uu dil u geystay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardayda wax ka barata Jamaacadda Camuud ee Boorame .

Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa sheegay in ardayga la dilay uu ka mid ahaa ardayda jaamacadda wax ka barata, sidoo kale uu ku guda jiray sanadkiisi labaad ee waxbarasahada Injineeriga .

Allaah u naxariiste marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Ibrahim Salaad ayaa waxaa afaafka hore ee jaamacadda uu wax ka baranayay dil ugu geystay Askari ka tirsan ciidamada booliiska Somaliland.

Maamulka gobalka Awdal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen askarigi ka dambeyay dilka wiilka yar, dhawaanna ay maxkamadda go’aan ka soo saari doonto.

Illa iyo hadda macadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysay dilka Ibraahim yare, wararka qaar ayaana sheegaya in uu ka dhashay dhar uu watay wiilka la dilay oo la sheegay in uu ka sameysnaa calanka Soomaaliya.

Goobjoog News