U bood dhigaalka

Boosaaso: 5 Carruur Ah Oo U Geeriyootay Madfac Ku Dhacay Gurigooda

Sheeko:Amniga

Waxaa isa soo taraya khasaaraha iyo saameynta ka dhalatay dagaalka seddaxda maalin qaatay ee ka dhacay magaalada Boosaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland.

Wararka maha soo gaaraya magaalada Boosaso ayaa sheegaya in  Said siidow oo ah Madaxa cunto kariyayaasha shirkada wadaagsan ee Dhisaysa Dekeda Garacad ay dagaalka Boosaaso ka dhacay uga dhinteen 5 carruur ah oo seddax kamid ah uu dhalay iyo laba uu adeer yahay, kadib markii guri ay daganaayeen uu ku soo dhacay madfac.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ay hooyada dhashay carruurtaas ay soo gaartay caafimaaddaro maskaxeed.

Goobjoog News